Baroorashadii Yeremyaah 5:15-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.

16. Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

17. Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

18. Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.

19. Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.

Baroorashadii Yeremyaah 5