13. Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.
14. Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.
15. Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.
16. Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.
17. Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan.
18. Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.
19. Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.